Wararka ka imaanaya Degmada Buur-hakaba Gobolka Baay ayaa ku waramaya in qarax miino laga maqlay barqanimadii maanta gudaha degmadaas.
Qarax Miino ayaa lagu aasay meel aanan ka fogeyn hoyga Gudoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Cabdi Maxamed waxaana la xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawacmay Gudoomiyaha degmadaas.
Guddoomiyaha oo gurigiisa ka soo baxay ayaa la sheegay in miinada ay kula qaraxday meel aanan ka fogeyn hooygiisa, waxaana la sheegayaa in dhaawaca soo gaaray gudoomiyaha uu culus yahay islamarkaana loo qaaday dhanka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

