Feysal Cali Waraabe “ Dowlad Goboleedyada Soomaliya ka jira Waa Kuwa Sii Kala Fogeynaya Midnimadii Soomaali Weyn”

0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Injineer Feysal Cali waraabe oo warbahinta kula Hadlay magaalada Hargaysa ee Caasimada Maamulka Somali-land  ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ka hana qaaday xiligaan Soomaaliya ay sii kala fogeynayaa midnimadii Soomaali weyn.

Injineer Feysal Cali waraabe ayaa tilmaamay in Maamulka Somali-land uusan waayin  aqoonsi islarmarkaana sanadaha soo socda uu heli doono aqoonsi rasmi ah, balse dowlad goboleedyada ka hana qaaday sanadihii dambe Soomaliya  ay sii kala fogeyeen midnimadii Soomaaliweyn.

“Hadii aynu nahay Somali-land aqoonsi waynu heli doonaa, annaga waxaanu qabnaa in soomali-land  iyo Somaliya ay ku noqdaan halkii lixdankii labada dhinac makala maarmaan, waa dad wadaago diin iyo cod, mar hadii ay  duntay midnimadii soomaali weyn ururada jooga koonfurta Soomaliya waxa ay ku fikirayaan in lasii kala qeybiyo koonfur Soomaliya, Somalia-land iyo Soomaliya oo kala maqnaan ayaa hadana koonfur Soomaliya laga sameeyay shan dowladood oo kala  ah dowladda Baydhabo, dowlada Kismaayo, dowlad  Galmudug, dowlada Garoowe, Dowlada Muqdisho waa mid sii kala fogeynayso tani midnimada umada Soomaliyeed”, ayuu yiri Injieer Feysal Cali Waraabe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here