Waaxda dambi-baarista dawalada Maraykanka ee magaceeda loosoo gaabiyo FBI ayaa sheegtay in Seddex nin oo dhamantooda cadaan ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro qaraxyo ah oo ka dhan ah dadka Somalida ah ee ku nool Gobolka Kansas, sidoo kalana la sheegay in ay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Crusaders in lagusoo oogay dacwad laxiriirta in ay qorshaynayeen in 4 gaari oo ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin In ay ku qarxiyaan goob ay ku badanyihiin dadka somalida ah ee Gobolaas.
Masuuliyiin katirsan waaxda FBI-da dawlada maraykanka ayaa shalay oo jimco aheed ku so oogtay 3 nin dacwad ku aadan in ay maleegayeen weerar qaraxyo ah oo ay doonayeen in ay ku bartilmaameedsadaan goob dadka muslimiinta somalida ah ay ku nooliyihiin sidoo kalana ay ku cibaadaastaan.
3-nin oo labo ka mid ah la qabtay maalintii jimcihii midka kalana uu horay jeelka ugusii jiray ayaa la tilmaamay in dhamaantood ay ku noolaayeen Gobolka Kansas,waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Curtis Allen and Gavin and Patrick
Ragaan eedeysanayaasha ah ayaa la sheegay in ay hadii ay ku cadaato dacwadaan ay wajihidoonaan xabsi daa in

