Siyaasiga C/samad Maxamed Gallan oo Horay Gudoomiye uga soo noqday Gobalka Bari Mudooyinkii Danbana ahaa Hogaamiyihii Ciidamadii la Magac Baxay Badbaadin iyo Samata Bixinta Puntland oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Nasiib Daro Weyn ku Tilmaamay Dagaalada ka Soo Cusboonaaday Gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay ku lugleeyinhiin Maamulada Puntland,Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo maamulka Ahlusuna kuwaas oo Ciidamadoo ay Dagaal kula Jiraan Maamulka Galmudug.
C/samad Gallan ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Dagaalka Qasaarada Nafeed iyo mida Hantiyadeed Sababay ee Mudada Asbuuca ah ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug oo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku Muransan yihiin Gacan ku heynteeda.
Mudane Gallan ayaa waxa uu Meesha ka Saaray eedeymaha Puntland ay u Jeedisay Dowlada Federaal-ka Soomaaliya ee ah in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee SNA iyo Kuwa Nabad Sugida Qaranka ee NISA ay qeybka yihiin Dagaalka isla markaana ay Gacan siinayaan Galmudug.
Siyaasiga ayaa Dhanka kale soo Dhaaweeyay Wada hadalada Nabadeed ee Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu doonayo in uu ka Dhex Bilaabo Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku Dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo wax uuna labada Dhinac ugu baaqay inay joojinyaa Dagaalka Macna la’aanta ah ee Gobalka Mudug ka Socda

