Antonio Conte oo Walwali Doonin Haduu Diego Costa kaarka Jaalaha Qaato Kulanka Leicester City

0

Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaan ka walwalsaneen maqnaanshaha xidiga Diego Costa Kulanka kooxda Manchester United waa hadii uu qaato kaarka jaala ah kulanka ay bari galab la ciyaari doonaan kooxda Leicester City difaacadayaasha horyaalka ingiriiska.

Michy Batshuayi weeraryahanka xulka dalka Belgium-ka ayuu aaminsan yahay macalin Antonio Conte in uu buuxin karo booska xidiga Diego Costa hadii uu kaarka jaalaha qaato kulanka bari galab.

Diego Costa ayaa dhaliyay xili ciyaareedkaan 6-Gool 7-kulan uu kooxdiisa u saftay balse waxa uu qaatay afar jaalle hadii uu bari galab jaalo qaato waxa uu seegi doonaan kulanka ay qaabili doonaan macalin Jose Morinho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here