Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomlaliya waxaa maanta ka furmaya Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Shirkaan waxaa shir Gudoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb gali doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte,Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Ajendaha Shirka maanta loogu hadli doono ayaa ahaa arrimaha doorashooyinka, sidii loo xaqiijinta lahaa amniga goobaha doorashooyinka iyo Colaada mar kale kusoo laabatay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay wada dagaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Warar hoose oo idaacadda simba ay halayso ayaa ku waramaya in Madasha Wadatashiga ay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay kala hadlayaan sidii xal loogu gaari lahaa dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

