Ergada Shirka Maamul usameynta Gobalka Hiiraan ayaa Sheegtay inay iska soo Dhex Xuli doonaan Guddiga Dooraashooyinka Maamulka Hiiraan State kaasi lagu dhisayay Shir maalmihii danbe ka socday Magaalada Beled-weyne .
Dr Yaxye Yuusuf Cali oo ka mid Xubnaha ku Howlan Aas-Aaska Maamulka Hiiraan State ayaa Saxaafada u sheegay in Maamlmo kooban gudahood in lagu soo Dhisi Doono Maamulka Hiiraan State oo Maamul ugaar ah Gobalkaasi oo Kaliya.
Dr Yaxye ayaa Sheegay in ka badan 423-oo Ergo ah oo ka kala yimid Deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Hiiraan ay iska soo Dhex dooraan Doonaan Guddiga Hirgalinta Dooraashooyin Madaxda kala Duwan Maamulkaas.

