Xildhibaanada Baarlamanka Maamul Goboleedka Hir-shabeelle oo Doortay Gudoomiye Baarlamaan Kumeel Gaar ah

0

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta kulankooda ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka iyagoo isla Maanta kulankooda ugu horeeyay ku doortay Gudoomiye  baarlamaan Kumeel gaar ah.

Maxamed Siyaad Barqadle oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa loo doortay Gudoomiyaha Kumeel Gaar ah ee Maamulka inta Gudoomiye rasmi ah laga soo dooran doono.

Doorashada Guddoomiyaha Kmg-ka ayaa ku timid kadib markii uu diiday inuu shir guddoomiyo baarlamaanka qofka ugu da’da weyn oo dhashay sanadkii 1948-dii  laguna magacaabo Cabdi Xuseen Geedi kaasoo sheegay in uu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle,

Maxamed Siyaad Barqadle oo dhashay sanadkii 1949-kii ayaa loo doortay Gudoomiyaha kmg-ga ah  ee Baarlamaanka Hir-shabeele.

12-ka bishan ayaa  lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle  ay doortaan gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka iyo ku-xigeenadiisa, iyadoo  15-ka bishaan la dooraan doono  Madaxweynaha maamulka Hirshabeele.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here