Wasiir Odawaa:-Ciddii Tabasho Ka Qabta Dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Waa Lala Xaajoon Doonaa

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay  in ciddii tabasho ka qabta dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle in ay la xaajoon doonaan, si loo helo dowlad goboleed ay ku mideysanyihiin bulshada degta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa  oo ka qeyb galay xaflad dhaarinta Xildhibaan dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee lagu qabtay caasimada Maamulka ee Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dowladda soomaliya  ay la fariisan doonto cid walba aan ku qanacsaneen dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

“Hambalyo Xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle ee la dhaariyay, waxaa idin horyaalo howlo muhiim ah, waxa ka mid ah doorashada Guddoonka Sare ee Barlamaanka Dowlad goboleedka, Dooraashada Madaxweynaha iyo Madaxweyna ku xigeenka waliba ka hor 15 ka bishan iyo soo xulista Xildhibaanada aqalka sare ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ku matalaya Barlamaanka Federaalka”ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa  Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya.

Beelaha daga Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya in si xoog ah ay ku dhameystirtay dhismaha maamulka Hir-shabeelle oo shalay Xildhibaanadiisa la dhaariyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here