Kooxo hubeysan oo burcad ah aya xaleyw adanka Angola waxa ay ku dileen muwaadin soomaaliyeed oo kamid aha ganacsatada mudada dheer ku noola wadanka Angola.
Afayeenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Angola ayaa idaacadda simba u xaqiijiyay dilka muwaadinka soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/raxmaan.
Marxuumka dhintay ayaa la sheegay in madaxa ay ka toogteen kooxo burcad aha lamana ogo waxyaabaha ay ka qaateen ee agab ee uu watay muwaadinka dhintay.
Afayeenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Angola ayaa sheegay in dhawaac halis ah isago oo ah Allahu naxariiste maxamed la dhigay isbitaal balse ugu dnabeynti uu u dhintay dhaawaca halista ee soo gaaray.




