Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland ahna Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa sheegay in doorashada Soomaliya sanadkaan ka dhacaysa aan lagu tilmaami Karin doorasho dadban balse ay tahay Ku Darsasho Dadban.

