Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Maxkamadeynayo Maxkamad ku Taala Magaalada Frankfurt Dalka Jarmalka

0

Xeer ilaaliyayaasha maxkamada federalka ah ee dallka Jarmalka ayaa sheegay in muwaadinkaan u dhashay dalka Somaliya balse haysta dhalashada dalkaas Jarmalka loo heysto dacwada ku aadan ku biiritaanka Al shabaab

Abshir Ahmed oo 28 jir ah ayaa waxaa ay dacwadiisu soo bilaabatay bishii Sept 12 xiligaas oo lasoo taagay maxkamad ku taala Magaalada Frankfurt waxaana lagu xiray isla magaaladaas bishii july.

Dacwadaha loo haysto Abshir Ahmed ayaa waxaa ka mid ah in uu xubin ka ahaa waxa ay ku sheegeen urur argagixiso oo dalka dibadiisa ah iyo in uu jebiyay shuruucda illaalinta hubka.

Xeer illaaliyayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in uu ku biiray Al shabaab sanadkii 2012-dii islamarkaana tababar dhinaca hubka ah uu kusoo qaatay Somaliya sidoo kalana uu tegay goobaha dagaalka taas oo ay sheegeen in sababa caafimaad daro uu ugasoo tegay markii dambe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here