Madaxweynaha:-Dishibiliin Xumo Heysata Ciidamada Dowlada ayaa Sababtay Inay Dhibaateeyan Shacabka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in Dishibiliin (discipline)  Xumo heysata Ciidamada Dowlada ay Sababtay inay Dhibaateeyan Dadka Shacabka ah Xiliyada ay ku Guda Jiraan Howlgalada Amaanka lagu Sugayo.

Madaxweynaha oo Magaalada Baydhabo uga qeyb-galay Kulan Su’aalo lagu Weydiinayay ayaa si Cad u Sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay Bartilmaameedsadaan islamarkaan ay ku Xad Gudbaan Sharafta iyo Karaamada Dhalinyarada  Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa Tilmaamay Dowladiisu ay Xil iska saarayso islamarkaana Ciqaabi Doonto Askarta Sida Sharci Darada ah u Beegsada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan ku lug laheen Fal danbiyeedyada Amaanka iyo Xasiloonida Qaranka ka soo Horjeeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here