Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in la bixiyay Magaca maamulka Loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyadoona Ergooyinka Labada Gobol ay isku raaceen in Maamulka Cusub loo bixiyo Magaca ah Hir Shabeele oo laga soo gaabiyay Magaca Labada Gobol.
Sidoo kale waxaa Ergada meel mariyeen calanka uu yeelanayo maamulka oo midibkiisu yahay qeyb calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo wabiga.
Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa si habsami leh malintii afaraad kaga socda Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Munaasabad lagu wado in maalinta khamiista ka dhacdo magaalada Jowhar ayaa lagu shaacinayaa magaca iyo astaanta calanka, kaddib markii maanta Ergadu ay ansixiyeen cutubyo ka mid ah qabyo qoraalka dastuurka oo ay ka mid ahaayeen Xarunta Maamulka, astaan calameedka iyo magaca uu yeelanayo maamulka.

