Warbixin ay soo saartay Kooxda xuquuqda ee Amnesty International ayay ku sheegtay in waddamada qaniga ay ka gaabiyeen masuuliyada ka saaran qaxootiga, iyadoo sheegtay in toban wadan – oo lagu xisaabiyo keliya 2.5 boqolkiiba dhaqaalaha dunida- lagu marti galiyo in ka badan kala bar qaxootiga ee dunida.
Warbixintan kasoo baxday oo Kooxda u dooda xaquuqda ee Amnesty International ayaa lagu sheegay sheegtay in hadii si siman loo qaybsan lahaa masuuliyadda, waxaan ku jiri lahayn xaalad ka duwan midaan ku jirno.
Amnesty International ayaa sheegtay in 56 boqolkiiba qaxootiga adduunka ee 21 milyan lagu marti qaado kaliya 10 dal – oo ku yaala Bariga Dhexe, qaarada Afrika iyo Koonfurta qaarada Aasiya.
Urdun, oo qaadatay in ka badan 2.7 milyan oo qof, ayaa loo magacaabay dalka qaxootiga ugu badan martigeliya, waxa soo raaca Turkey, oo in ka badan 2.5 million; Pakistan, 1.6 million; iyo Lubnaan, in ka badan 1.5 million.

