Madaxaweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka Hor yimid hadalkii ka soo yeeray Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ku aadanaa Qoondada 30% (Boqolkii ba Sodon) Haweenka laga Siiyey Siyaasada Doorashooyinka Sanadkaan ka Qabsoomaysa Dalka.
Madaxweyne Xasan ayaa Si cad u Sheegay in Haweenku ay Awood u leeyihiin inay Helaan 30%(Boqolkiiba sodon) Awooda Siyaasada Dowlada Cusub ee la Dhisayo Dhamaadka sanadka 2016-ka iyo Abaabulka Doorashooyinka Dalka.
Madaxweynaha ayaa Tilmaamay in Dowladiisa iyo Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran Diyaar u yihiin ilaalinta Qoondada Haween waxa uuna intaa ku Daray Qabyaalada iyo Jahli Dalka ka jira Dartiisa meesha ka Baxday kaalinta Haweenku ay ku leeyihiin Siyaasada iyo Talada Dalka
Hadalkaan oo Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka Jeediyey Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ah mid ka Hor imaanaya Bayaankii ay soo saartay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ee ahaa in arinta Awood siinta Haweenka ay Tahay mid ka Hor imaanaysa Diinta Suuban iyo Dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka ah ee Dalka Soomaaliyeed uu leeyahay.

