Duubabka Dhaqanka ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo kulan yeeshay ayaa isku raacay in doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka u Matali doona Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa odoyaal ka kala socday Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxayna kulanka ka sheegeen in ay isku af garteen in doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka u Matali doona Goboladaas in lagu qabto Magaalada Muqdisho.
“GFHDD asagoo gudanaya xilkiisa iyo waajibaadkiisa ku qeexan xeerka lagu dhisay ee na faraya la shaqaynta odayaasha 135ta ayaa taariikhdu markey aheyd 25/09/16, fududeeynay kulan dhexmaray madax dhaqameedyada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay ka soo qeyb galeen 16 oday oo ka mid ah 17-ka oday dhaqameed ee labada gobol. Wadahadalka madax-dhaqameedyada, waxay isla qaateen aragti qeexaysa inay raalli isugu yihiin in doorashada xildhibaaannada labada gobol ka dhacdo magaalada Muqdisho oo ay u arkaan goob dhexdhexaad ah Guddiga GFHDD ka dib markuu dhagaystay afkaartii odayaasha dhaqanka ee kulankaas joogay waxuu guddigu la wadaagay MHQ iyo dadweynaha Soomaaliyeed.Sidaa awgeed guddiga GFHDD wuxuu mar kale caddeynayaa inuusan go’aan ka gaarin goobta doorasho ee gobollada ujeedada ku xusan, balse ay ahayd aragti oday dhaqameedyadu ku cabbireen kulanka aan kor ku soo xusnay.” ayuu lagu yiri war kasoo baxay Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban.













