52-qof oo ku Dhimatay Isbuurasho ka Dhacday Dalka Itoobiya iyo Dowladda oo Ka Hadashay(Sawirro)

0

Inta la xaqiijiyay 52-qof ayaa  dhimatay kadib isbuurasho ka dhacday dalka Itoobiya  xili booliisku ay xabado iyo gaaska dadka kaga ilmeeysiiya u adeegsadeen dad isugu soo baxay munaasabad diimeed Gobolka trimia ee magaalada Bishoftu.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa ka qeyb galay munaasabad sanadle ah oo loogu yeero Xafladda Arreecha ee sanadka cusub, waxaana ay markii danbe isu bedeshey mudaaharaad iyo kacdoon, iyada oo dadku ku dhawaaqayeen waxaan dooneynaa “Xornimo”.

Bandhiga munaasabada ayaa ka dhacay Oromia, mid ka mid ah gobolada ugu xasaasiga ah ee dalkas, kasoo ay ka dhacayeen dhowrki bilood ee ugu danbeeyay dibad baxyo mararka qaar rabshada watay iyagoo dalbanayaan xorriyaadka ballaaran.

Dhanka kale Raisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa eedda dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya dusha kaga tuuray dad rabshado waday halkaasi oo uu sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 52 qof.

3905c45d00000578-3818098-image-a-41_1475419129591 3905d83700000578-3818098-image-a-37_1475419105649 3905e4e000000578-3818098-image-a-39_1475419112720 3905e65000000578-3818098-image-a-36_1475419097319 3905ec8800000578-3818098-image-a-38_1475419109364 3905ed7200000578-3818098-image-a-35_1475419094586

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here