Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray weerar isugu jiray dhul iyo cir oo saakay aroortii hore lagu qaaday saldhig ciidamo katirsan maamulka Galmudug ay ku sugnayaeen oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wasiirka amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa si kulul ugu hadlay weerarka ay fuliyeen diyaaradaha dowlada Mareykanka ee lagu qaaday saldhig ay ciidamada Galmudug ay ku lahaayeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wasiir Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi looga dilay in ka badan 20-askari oo katirsanaa Ciidanka Maamulka Galmudug, waxa uuna intaas raaciyay in duqeynta Diyaaraha geesteen looga gubay afar kamid ah gaadiidkooda dagaalka.
”Waxaa soo weeraray fariisinka ciidankeena ku sugnaayeen ciidammada PS-ka loo yaqaan ee Puntland oo ay tagaeerayaan diyaardaha dagaalka Mareykanka, waa la ogyahya in Mareykanku tababaro ciidanka PS-ta, waxaan naqaan diyaaradaha duqeynta fuliyay iyo madaafiicdii ay rideen” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.
Mudane Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) Wasiirka amniga Galmudug in weerarkan uu yimid kadib markii warar khaldan la siiyay Ciidamada Mareyaknka , waxa uuna ka dalbaday Wasiirka in ciidamada Mareykanka ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan duqeyntan ay askarta Galmudug ku laayeen.

