Askartii ku Dhimatay Duqeyntii ka Dhacday Magaalada Gaalkacyo oo Aas Loo Sameeyay+Sawirro

0

Maamulka Galmudug ayaa maanta ayaa Maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo aas ugu sameeyay 13 askari oo ka tirsanaa ciidankii maamulka Galmudug oo lagu laayay duqeyn ay fuliyeen diyaradaha Mareykanka oo ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Aaska askartaan waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiin hadlay aaska kadib waxaa kamid ahaa Wasiirka amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo sheegay in weerarkan ay qaadeen ciidammada PS-ta Puntland oo ay taageerayeen diyaarado Maraykanku leeyihiin, waxaanu intaa ku daray in afar baabuur oo ka mid ahaa gaadiidkii ciidanka Galmudug lagu gubay weerarkaas.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo dowlada Mareykanka oo ay ugu hadlayaan duqeynta ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

aas aas1 aas2 aas3 aas4

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here