Dowlada Kenya ayaa Maxkamadeynaysa sarkaal sare oo ka Tirsan ciidamada Booliska Kenya oo lagu eedeeyay in uu al-shabaab ka gacan siiyay weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kapenguria.
Abdi Jelle Ali oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu taageero weyn u ahaa xarakada al-shabaab ee soomaliya ka dagaalanta.
bartiisa Facebooga ayuu ku soo qoray Abdi Jelle Ali erayo uu ku taageerayo Al-Shabaab sidoo kale ururo Argagixiso sida uu sheegay dacwad oogaha maxkamada dalka Kenya oo maanta la horgeyn doono sarkaalkaan ka Tirsanaa Booliska Kenya.
14-kii July ayay ahayd markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday saldhig Boolis oo ku yaalla degaanka Kapenguria ee Galbeedka dalka Kenya, halkaasoo uu ku dilay 8 sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya.
Dowlada Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku raadjoogto saraakiil kale oo lagu Tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin shabaabka soomaliya ka dagaalama.

