Booliska Kenya oo Sheegay in ay Qabteen Rag Lagu Tuhunsanyahay Shabaab-nimo

0

Booliska degmada Isiolo ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen laba ruux oo ay ku tuhmeen in ay xiriir laleeyihiin shabaab kuwaas oo isku xirxirayay walxa qarxa oo ay doonayeen in ay qaraxyo ku fuliyaan.

Sargaal katirsan waaxda Dambibaarista ee dalka Kenya gaar ahaan degmada Isiolo oo lagu magacaabo David Cheruiyot iyo gudoomiyaha degmadaas George Natembeya ayaa sheegay in ragaan ay qaraxyo ku samaynayeen guri ku yaala magaalada Isiolo

Mid ka mid ah ragaan ay xireen Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in uu ka soo jeedo degmada Isiolo halka mid kalana uu kasoo jeedo galbeedka dalka Kenya.

Mr Natembeya ayaa sheegay in labadaan nin oo ah ah kuwo dhalinyaro ah oo da’doodu ay ka yartahay 35 ay horay ugu soo tababarteen Gudaha dalka Somaliya

Dhalinayaro badan oo kasoo jeeda degmada Isiolo ayaa la aaminsanayahay in marar badan ay xuduuda ka tilaabeen si ay uga mid noqdaan al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here