Maxkamadeynta 17-askari oo ka Tirsan Ciidamada Uganda oo Muqdisho ka Bilaabatay+sawirro

0

Maxkamadda Ciiidamada dalka Uganda ayaa maanta markii ugu horeysay Magaalada Muqdisho ka Bilowday  Maxkamadeynta 17-askari oo lagu eedeeyay In ay iibinayeen qalabka loo keeno AMISOM.

Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay Askastaan gaareysa 17-askari ee lagu eedeeyay in ay  iibin jireen qalabyada  iyo shidaalka loo keeno Taliska Amisom ee soomaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Ugandha  Brig Dick Olum oo ku dhawaaqay Xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas Heysta lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.

Horey Ciidamada Amisom waxaa loogu Maxkamadeyn Jirey Gudaha Dalkooda Balse Talaabadaan Dowlada Uganda waxa ay ku tilmaamtay in ay tahay in laga shaki baxo waxyaabaha qaar ee la aaminsan yahay.

06/05/2016-ka ayay aheyd markii ciidamada Booliska dowlada soomaliya ay gacanta ku dhigeen Askartaan iyagoo shidaal iyo qalabyo kale ku iibinaya Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee  aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale lala soo qabtay 10-qof oo soomali ah oo gacan ku siinayay iibinta qalabka.

vlcsnap-2016-08-02-14h06m13s604 vlcsnap-2016-08-02-14h07m03s901 vlcsnap-2016-08-02-14h07m15s512 vlcsnap-2016-08-02-14h07m22s900 vlcsnap-2016-08-02-14h08m01s986 vlcsnap-2016-08-02-14h08m19s187 vlcsnap-2016-08-02-14h08m33s845 vlcsnap-2016-08-02-14h09m58s012 vlcsnap-2016-08-02-14h10m23s282 vlcsnap-2016-08-02-14h10m36s852 vlcsnap-2016-08-02-14h10m52s552 vlcsnap-2016-08-02-14h11m50s616 vlcsnap-2016-08-02-14h12m16s942 vlcsnap-2016-08-02-14h12m45s818 vlcsnap-2016-08-02-14h13m14s040 vlcsnap-2016-08-02-14h13m35s431

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here