Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in wax is dabamarin lagu sameeyo doorashada lafilayo in bisha November ee dhamaadka sanadkaan ay ka qabsoonto Maraykanka.
Hadalkaan ayaa Trump uu ka sheegaya isusoobaxay ka dhacay magaalada Columbus, ee Gobolka Ohio,
Waxaa uu sheegay in uu maqlay warar ku aadan in tartanka madaxtinamada maraykanka ka dhacaya uusan noqondoonin mid cadaalad ah inkastoo uusan soo bandhigin cadayn rasmi ah oo ku aadan hadalkaas iyo halka uu kasoo xigatay toona.
Kulankii kan ka horeeyay oo Donald Trump oo ka qayb galay ayuu si adag ugu weeraray musharaxa xisbiga Dimuquradiga asoo hadalo badan oo dhaleecayn ah dusha uga tuuray.

