Inta la xaqiijiyay 5-qof ayaa dhimatay 10-kalana way dhaawacmeen kadib markii dagaal xoogan goordhaweyd uu ka bilowday deegaanka Xiimcadde oo hoos yimaada degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka wuxuu u dhaxeeyaa Labo maleeshiyo beeleed oo dhawaan heshiis la kala dhex dhigay kadib markii kulan lagu qabtay degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya oo ku sugan degmada Wabxo ee Gobolka galgaduud oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in dagaalka uu goordhaweyd bilowday islamarkaana uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, balse ay ku howlan yihin sidii loo kala dhex gali lahaa labada Maleeshiyo.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

