Wasiirka arrimaha Dibada Kenya:-Hadii Gobolka Laga Doonayo Nabad Waarta Waa in lasii Wadaa Qarashaadka AMISOM

0

Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed Jibriil oo Khudbad ka jeedisay shirka Qaramada Midoobe ee Magalada Newyorka ee dalka Mareykanka ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobe iyo Beesha Caalamka in ay sii wadaan Qarashaadka AMISOM hadii ay doonayaan in Gobolka uu Noqdo Mid nabad ah.

Aamina Maxamed Jibriil Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalka Kenya aya Tilmaamay in dhabar jab ay Amisom ku Noqotay 20% dhaqaalihii Midowga Yurub uu Jajay islamarkaana haatan la dareemayo hoos u dhac dhanka Howlgala Amisom.

“Waxaa muhiim ah inaanu sii wadno qarash siinta AMISOM iyo dadaalada kale ee nabadda ee Afrika sababtoo ah wixii qarash dhimid ah ma waafaqsana ujeedka ah ku guuleysashada nabadda qaarada,”  ayay tiri Aamina Maxamed Jibriil.

“Waxaan rajeynayaa in arintaani soo Xoojin doonto dareenka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe,” ayay mar kale ku celisay Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed Jibriil oo magaalada Newyorka qudbad ka jeedisay.

Midowga Yurub oo kaashanaya African Peace Facility ayaa bixinayey mushaaraadka ciidama AMISOM ee Soomaaliya laakiin midowga Yurub ayaa sheegay in hawlgalkan oo bilawday sanadkii 2007dii si loo caawiyo dowladda Soomaaliya inay ka dhimeyso qarashaadkii ku bixi jiray ciidamada 20% taasooo keentay dhibaato dhaqaale oo ciidamada AMISOM soo food-saartay.

Hadalka Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed Jibriil ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Midowga Yurub uu shaaciyay in 20% la jaray Dhaqaalihii la siin jirey howlgalka Amisom, Ururka Midowga afrika ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid dhabar jab ku ah Howlgalka ka socda Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here