Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ay xalay seqdii dhexe weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada Soomaliya ay ku Lahaayeen deegaankaas.
Al shabaab ayaa la sheegay in ay si gaar ah ay u Bartilmaameedsadeen Fariisimo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Maxaas waxaana jira warar sheegaya in Al shabaab ay Gudaha u galeen Degmada Maxaas.
Mas’uul ka Tirsan maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay Faah-faahin ka bixiyaan dagaalka ka dhacay degmada iyo qasaaraha soo gaaray Ciidamada dowlada Soomaliya.

