Madaxweynaha Soomaliya:-“Waxbarashada Waa la Tayeyn Doonaa iyadoo Dagaal Lakula Jiro Al-shabaab”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada soomaliya ay tayeyn doonto waxbarshada dalka iyadoo dowlada ay dagaal kula jirta Xarakada al-shabaab.

“Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayeey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waa Xaalad kmg-ga ah Xaalad joogto ah ma noqon doonto dhibaatooda meel walba ay  ayay ka jirtaa balse waa laga bixi doonaa dhiibaatooyinkaas dagaalka oo socda ayaan tayeyn doonaa waxbarashada dalka si jiilka soomaliyeed ay u helaan waxbarashada Tayo wanaagsan”.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in waxyaabaha dalkaan dib u dhigay hormarkiisa ay kamid yihiin siyaasadaha isqilaafan ee wali dalka ka jira isagoo sheegay in ay rajeynayaan in dhamaanba xal buuxa laga gaaro.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here