Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu Eedeeyay in uu Horseed u Yahay Amnidarada Caasimada ka jirta+Dhageyso

0

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Seeko) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed oo la hadlay idaacada simba  ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale in uu wado qorshe xilalka loogu qaadayo qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka.

Cali Seeko waxa uu Tilmaamay  in uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu jabiyay sharcigii u yaalay dalka islamarkaana uu yahay qof ku shaqeynaya Maskaxda Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu sheegay In uu dhankiisa uu wado qorshe uu Taageero kaga raadsanayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Seeko ayaa Sidoo kale Sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya uu ku cadaadinaayo in xilalka laga qaado qaar kamid ah Gudoomiyayaasha siyaasad ahaan aan aheyn xabsiga dalka haatan ka arrimiya.

Isagoo sii hadalay Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Seeko ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in uu Horseed u yahay amnidarada Caasimada Muqdisho  ka jirto iyo Nadaafad darada islamarkaana uusan aheyn qof sii hogaamin kara Xilka Gudoomiyaha Gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here