Qaar Kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Xilalkooda Waynaya+Dhageyso

0

Ilo  lagu kalsoonaan karo ayaa idaacada simba u xaqiijiyay In Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan qorshayaal xilalka loogu qaadayo qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banadir.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyayaasha qaar lagu eedeeyay in aysan sidii loogu talagalay aysan u gudanin xilalka halka qaar kamid ah Gudoomiyayaasha ay ku dhaqaaqeen waxyaabo uusan maamulka Gobolka Banaadir uusan raali ka aheyn sida Isbaarooyinka.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan kulan ay yeesheen Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyayaasha  lagu go’aamiyay in xilka laga qaadi doono Gudoomiyihii xilkiisa sidii loogu talagalay u gudan waayay.

 

Halkaan Hoose ka Dhageyso

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here