Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Maamul Gobaleedka Galmudug Abishir Cabdi Sheeqow oo u Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Xukumada Soomaaliya Ugu Baaqay in Si Siman oo Cadaalada Waafaqsan ay Dowlada Gobaleedyada Xubnaha ka Dowlada Federaalka inay ugu Qeybiso Deeqaha Dowladu ay ka Hesho Wadamada Taageera Horumarinta iyo Tayaynta dhan ka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Wasiir ku Xigeenka oo Sii watay Hadalkiisa ayaa ka Digay in la Musuq-maasuqo Deeqaha Waxbarasho ee Sanadkaan Lafilayo in Arday Dalka Dibadiisa loogu qaado xusay Dowlada Waajib Culus uu ka Saaran yahay in Cadaalada lugu Maamulo Deeqaha Waxbarasho
Mudane Abshir ayaa ugu danbeyntii Tilmaamay Galmudug iyo Wasaarada Waxbarashada Xukumada Soomaaliya ay Horey Wada Hadleen Arimaha Deeqaha iyo Dhinacyo kale
Wasiir ku Xigeenka Waxbarada Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa Abishir Cabdi Sheeqow Magaalada Muqdisho u yimid ka Qeybgalka ku soo bandhigida Natiijada Imtixaamka Dugsiyada Sare ee Koofurta iyo Bartamaha dalka Xukumada Soomaaliya ay Sanadkaan Sandkii labadaa laga Qaaday Imtixaamka Heer Qaranka.

