Ugu yaraan 5 askari oo katirsan Ciidamada Difaaca ee dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhawacmeen kadib markii gaarigooda uu haleelay wax yaabaha qarxa magaal xeebka Lamu.
Taliyaha Boliiska gobolka xeebta Francis Wanjohi ayaa sheegay in gaari taangi ah oo ay weteen ciidamo katirsan Militariga Kenya uu dulmaray walxaha qarxa oo ku eedeeyay in al-shabaab ay horay halkaas ku sii aaseen degaanka lagu magacaabo Kiunga oo ka tirsan degmada Laamu asagoo intaas ku daray in aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay qaraxaas.
Wanjohi ayaa tilmaamay in ciidamadaan ay ahaayeen kuwo ka kooban qaybo kala duwan oo ka qayb qaadanaayay dhismaha darbiga ay dawlada Kenya ka dhisayso soohdinta u dhaxaysa Somaliya iyo Kenya islamarkaana ay degmada lamu ugu sugnaayeen si ay uga hortagaan qatarta ka imaankarta xarakada Al-shabaab.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ciidamo kale oo hor leh ay halkaas u daad guraysay si ay ula dagaalamaan shabaabka.
Taliyaha Booliska gobolkaas ayaa sidoo kale tilmaamay in al-shbaab ay dhawr meelood ku aaseen wax yaabaha qarxa oo ay doonayaan in ay ku wax yeeleeyaan ciidamada halkaas maraya.

