Laanta Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe Ee magaceeda loosoo gaabiyo UNHCR ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxaa ay deeq bixiyayaasha uga cadsatay lacag dheeraad ah oo gaaraysa 115.4 million oo ay doonayso in ku bixiso Qoxootiga Somaliyeed ee doonaya in ay dalkooda ku laabtaan ee ku jira xerada Dhadhaab.
Hadalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dawlada Kenya 6-dii bishii aynu soo dhaafnay ee sanadkaan ay sheegtay in ay go’aan ku gaartay in ay xirto xerada Dhadhaab markaas oo UNHCR ay soo bandhigtay qorshaha dib u celinta qaxootiga loo samaymkaro, kulan sedex geesood ahaa oo ay wada qaateen Qaramada midoobe somaliya iyo Kenya.
Qorshahaan ay hay’addu soo bandhigtay ayaa waxaa ay ugu talagashay in lagu dhimo dadka qaxootiga ah ee ku jira DADAAB illaa iyo 343,043, kuwaas oo 326,611 kamid ah ay Somaliyihiin 150,000 waxaa loogu talagalay in sanadkaan dhamaadkiisa ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimaadeen
UNHCR ayaa lacagtaan ay codsatay ee gaaraysa$115 million waxa ay sheegtay in ay ku bixidoonto dhowr waxyaabood oo ay ku jirto in dib u dejin loogu sameeyo dad gaaraya 15,000 oo Somali ah iyo in dib u habayn loogu sameeyo 42,000 oo kenyati ah oo la aaminsanyahay in ay qaxootinimo isku diiwaangeliyeen,
Lacag dheeraad ah ayaa tilmaantay UNHCR in loo baahandoono markii ay kordhaan dadka doonaya in dib u laabtaan

