
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa soo saaray hadal uu ku cambaaraynayo weerarkii qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Mr. Ban ayaa waxaa uu sheegay in falal dambiyeedyadaas aysan ka joojin doonin in Qaramada midoobe ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadka somaliyeed iyo dawladooda dadaalka ay ugu jiraan sidii ay dib ugu dhisan lahaayeen Nabadda iyo Xasiloonida dalka.
“Weerarada Al-shabaab geystaaan ma hakin doonaan Taageerida aan siino Dowlada Federaalka Soomaliya iyo Shacabkeeda taasina badalkeeda waxaan sii kordhin doonaan inagoo dhisayna ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegeen goobaha ay ku sugan yihiin al-shabaab ayuu yiri”, Mr. Ban
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Turkiga ayaa codkiisa ku biiriyay dhankiisa Cambaareynta Qaraxyadii ka dhacay meel ku dhow Xarunta Xalane.
“Waxaan cambaaraynaynaa weeraradii Argagixiso ee looga soo horjeeday hawgalka caalamiga ah ee Somaliya kaas oo ka shaqaynaya sidii loo xaqiiji lahaa ammaanka iyo Xasiloonida dalka.
