Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa saakay Howlgal kawada deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho oo xalay dagaal xoogan uu ka dhacay.
Ciidamada ayaa howlgalka ka sameynaya Xaafadaha hoos yimaada deegaanka Ceelasha Biyaha gaar ahaan Xaafada Arbacow oo xalay ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab waxaa sidoo kale jirey qaraxyo laga maqlay Xaafadaas.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya aynu la xiriirnay si aan wax badan ugu weydiino arrintaan ayaa ka gaabsaday, sidoo kale ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab ay kaga hadlayaan weerarka xalay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelashada Biyaha Biyaha.

