Cilmi baaris lasameeyay ayaa lagu ogaaday in Raga asal ahaan kasoo jeeda dalka Holland iyo dumarka u dhashay dalka Latvian ay yihiin kuwa ugu dhaadheer dunida islamarkaana ay ka dhaadheeryihiin dadka kasoo jeeda wadamada kale.
Celcelis ahaan ka u dhashay dalka Dutch-ka ayaa waxaa la sheegay in uu hadda yahay 183cm oo u dhiganta (6ft) dhirir ahaan. Halka celceliska dhirirka dumarka kasoo jeeda wadanka Latvia uu gaarayo 170cm oo u dhiganta hadii si kale loo dhigo (5ft 7in).
Cilmi baaristaan ayaa waxaa laga sameeyay dalal gaaraya illaa iyo 187 wadan,waxaana ay socotay illaa iyo sanadkii 1914kii.
Daraasadaan ayaa waxaa kaloo ay shaaca ka qaaday in raga Iiraaniyiinta ah iyo haweenka u dhashay Koonfur Korea uu yahay kuwa ugu korista badan waxaana uu celcelis ahaan siyaadayaa 16cm (6in) iyo 20cm (8in).

