Afti Laga Qaaday Dadka Kenyatiga ah oo Lagu Taageeray  Xiritaanka Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya

0

Sedex meelood laba ka mid ah muwaadiniinta Kenyan-ka ah ayaa waxaa ay taageereen xiritaanka xereda Dhadhaab iyo in dadka qaxootiga ah ee xeredaas ku jira ee Somalida u badan ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dawlada Kenya ayaa waxaa ay ku celcelinaysay in ay xirayso xeradaas oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaasay ku dhowaad nusmalyuun qof oo intooda badan ay kasoo jeeda Somaliya.

Qaramada Midoobe ayaa ku baaqday in dawlada Kenya ay go’aankaas  kalaabato balse baaqaas ayaa waxa uu u muuqday in Kenya ay dhagaha ka furaysatay ayna ku adkeysatay xeritaanka Xerada.

Tom Wolf oo ka tirsan hay’adda xog uruurintaan samaysay oo lagu magacaabo IPSOS ayaa sheegay in muwaadiniinta Kenyatiga ah boqolkiiba 69%  ay taageereen in laxiro xerada Dhadhaab.

Sida ay sheegtay laanta Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay 500 illaa 1,000 qof oo qaxooti Somali ah ayaa usbuuckasta si iskood ah ugu laabta dalkooda,illaa iyo bishii December waxa ay hay’adu sheegtay in 1,5000 ay xuduuda ka gudbeen.

Hay’adaan cilmi baarista samaysay ayaa sidoo kale waxa ay weydiisay dadka ay la kulantay ciidamada kenyatiga ah ee ku sugan Somaliya ee ka midka ah hawgalka AMISOM ,waxaana boqolkiiba 56% dadkaan ay sheegeen in ay doonayaan in ciidamada Kenyatiga ah ay kasoo baxaan Somaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here