Guddoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar C/laahi Isaaq oo Qarax Miino ku Dhaawacmay

0

Guddoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar C/laahi Isaaq ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay qarax miino oo gaarigiisa lala beegsaday xili uu marayay meel ku dhow deegaanka.

Cabdullaahi Gaashaan oo ah guddoomiye ku xigeenka  deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa xaqiijiyey in Guddoomiyaha deegaankaasi  Abuukar C/laahi Isaaq uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaari uu saarnaa, islamarkaana haatan  dhaawiciisa  la geeyay Xarunta Xalane oo Fariinsin u ah Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Mas’uuliyada qarax miino ee lagu dhaawacay Guddoomiyaha Deegaanka Leego Mudane Abuukar C/laahi Isaaq waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab, kadib markii warar lagu baahiyaya barahooda bulshada sheegashada lagu qoray.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here