Ciidanka Danab ee XDS oo Burburiyay Labo Saldhig ay Al-shabaab ku Laahaayeen Degaanka Aw-Dheegle ee G/Shabeellaha Hoose.

0

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey  Ciidamo ka Tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aw-Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah ciidanka Al-shabaab , iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay.

Ciidanka Danab iyo kuwa Midowga Afrika ayaa markii ay goobtaasi gaareen waxaa iska caabbin ay kala kulmeen  Al Shabaab, laakiin ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray Danab iyo AMISOM midkoodna.

Degaanka Aw-Dheegle ayaa waxaa Al Shabaab ay ku lahaayeen baro ay si sharci darro ah dadka lacago uga qaataan.

Ciidammada huwanta ayaa maalmahan gobolka Shabeellaha Hoose ka wadey hawlgalo culus oo ay ku waxyeeleynayaan dhaqdhaqaaqyada  Al Shabaab ay gobolka ka waddo.

Hawlgalka Aw-Dheegle ayaa noqonayaa mid ay ku diirsan doonaan shacabka degaankaasi, maadaama ay meesha ka baxayaan lacagihii sida khasabka looga qaadan jirey iyo falalkii  ay Al Shabaab kala kulmi jireen.

Ciidanka Danab oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno si gaar ah loogu tababarey inay la dagaalamaan, isla markaana baabi’iyaan Al Shabaab ee Soomaaliya ku sugan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.

“Dhamaad”

FG:-Qoraalkaan waa war kasoo baxay Taliska Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ciidanka Danab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here