Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo Saakay Laga Dareemayo Deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Wararka Saaka ka imaanaya deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda oo dhan ah iyo Al-shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobolkaasi.

Dhaaq-dhaqaaqyada ayaa lagusoo waramayaa in ay yimaadeen Ka dib Markii Ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerarro dhawr mar ay ku qaadeen Fariisin Ciidanka Dowladdu iyo AMISOM ay ku lahaayeen Gobolka shabeelaha dhexe deegaanno ka tirsan oo Mar mar ay fariisinkaasi baneeyeen Ciidanka Huwanta ah ee halkaa ku sugan.

Goobaha ay dhaq-dhaqaaqyadan ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Deegaanada Cadale,Masaaji Cali gaduud,Deeganad hoos yimaada degmnada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale.

Labada dhinac ayaa ciidama badan geeyey goobaha ay isku hor fadhiyaan arintaasi oo baqdin walwal galisay dadka ku nool deegaandaasi.

Saraakiisha Ciidamada ee halkaa jooga oo aan la xariirnay ayaa sheegay in dagaal ay ku qaadaan deegaanada shabaabku ku suganyihiin amarkiisa ay ka sugayaan hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka amarkaa Markuu soo baxana ay tallaabo qaadidoonaan.

Deegaannadan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray dhaq-dhaqaaq ay wadaan dhinacyada halkaa isku hor fadhiya,waxaana dadkii dagganaa deegaanada qaar ay ka barakaceen dhaq-dhaqaaqa ciidan ee halkaa ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here