Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Somaliland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riddey Sideed nin oo ku eedaysnaa in ay ka dambeeyeen dilkii Alla ha u naxariistee Taliyihii qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuun Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf.
Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke, Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday xukunka lagu ridey sideeda eedeysane kadib markii ay Maxkamada Dhageysatay Dacwadooda.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida waxa uu sheegay in siddeed nin oo kale lagu xukumay midkiiba Toddoba sano oo xarig Ciidan ah, kadib markii ay weerar ku qaadeen Tuulada ceel-garde sanadkan bilowgiisii.

