Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya oo ku Wajahan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta laga dareemayaa  u diyaar garowga Xaflada Caleema-saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, kadib geeridii kadiska aheyd ee walaalkii Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyeyaal hore, siyaasiyiin, safiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qul qulaya magaalada Beledweyn, si ay uga qeyb galaan xaflada caleema saarka iyo caana-shubka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Guddiga qaban qaabada Caleemasaarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan dhib u dhici doonin Xaflada Caleemasaarka Ugaas-ka islamarkaana Calaamasaarka kadib lagu dhawaaqi doono Maamul u gooni ah Gobolka Hiiraan.

Odayaaha reer Hiiraan ayaa wali kasoo horjeeda ka qeyb galka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiran iyo Shabeellaha  Dhexe oo wajigiisa Labaad uu ka Furan yahay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelle Dhexe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here