Hooyo ka Codsatay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Trump inuu joojiyo ka Hadlida Dhimashada Wiilkeeda

0

Hooyada dhashay Ambassadorkii mareykanka ee dalka Libya  J. Christopher Stevens oo ku dhintay weerarkii dalkaas ka dhacay sanadkii 2012-kii ayaa warqad qoraal gaaban u dirtay Tifaftiraha wargeeska The New York Times iyadoo ka codsatay musharaxa magacaaban ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump inuu joojiyo ka hadlida dhimashada wiilkeeda oo marar badan uu soo hadal qaaday.

“Waan hubaa in Chris uu jeclaan laheen magiciisa ama xasuustiisa loo isticmaalo noocaas oo kale ,” ayay Mary Commanday warqaddeeda ku qortay,  xili ay u dirtay Tifaftiraha wargeeska The New York Times ee dalka Mareykanka iyadoo ka xun in lasoo hadal qaado Magaca wiilkeeda oo ku dhintay Weerarkii ka dhacay Magaalada Benghazi ee dalka Libiya.

Musharaxa magacaaban ee xisbiga Jamhuuriga  ee dalka Mareykanka Donald Trump marar badan khudbad uu jeediyay waxa uu soo hadal qaaday weerarkii ka dhacay Magaalada Benghazi ee dalka Libiya, isagoo sheegay in Hillary Clinton ay ku fashilantay in ay  wax ka qabato arintaas xiligii ay aheyd Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here