Kulan loogu hadlaayay Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen dhamaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa maanta ka dhacay xarunta Dowlada Hoose ee Fiisha Governo.
Kulanka waxaa shir Gudoominaayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale intiisa badan waxaa diirada lagu saaray sidii loogu shaqeyn lahaa amniga Caasimada Magaalada Muqdisho.
Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane wuxuuna sheegay in labo qodob kulanka diirada lagu saaray oo kala ahaa Amniga Caasimada iyo Qaadashada kaarka Aqoonsiga.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane waxa uu sheegay in xilka laga qaadi doono Gudoomiyihii degmadiisa lagu arko Isbaaro xili maalmihii dambe ay soo baxeyn warar ku aadan in ay jiraan degmooyin gaadiidka iyo Goobaha ganacsiga loogu qaado Lacago sharcidaro ah uusan ogeyn maamulka Gobolka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane wuxuu mar kale ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir in ay qaataan kaarka aqoonsiga.

