Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in sarkaalka Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan uu ugu hanjabay dil kadib markii uu kala hadlay falalka dilalka ay ciidamada Jabuuti ay geystaan.
Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) waxa uu sheegay in arrintas uu kala hadlay safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaliya Dayib Dubad Rooble intuu ku sugnaa magaalada muqdisho ee caasimada soomaliya islamarkaana reer Hiiran aysan u dulqaadan doonin in Ciidamada Jabuuti ay dilal u geystaan Shacabkooda.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed si kulul uga jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray duubabka dhaqanka Gobolka hiiraan ee ahaa in maamul goboleed u gaar ah Hiiraan la dhisayo kadib caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in aan marnaba laga dhisi doonin maamul kasoo horjeeda Dowlada Federaalka soomaliya wixii ay tabanayaana odayaashana lagu xalin doono miiska Wadahadalka.

