Ciidamada Nabad sugida Dowlada Soomaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo marayay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada Soomaliya C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay idaacada simba ayaa xaqiijiyay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan gaariga kadib markii ay hareereeyeen.
Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga la dhigay goob wadada dhinaceeda ah oo ay aad ugu badanyihiin dadka shacabka ah.
Gaariga ayaa ahaa nooca loo yaqaano Noha-da waxaa saarnaa Fuusto ay kabuuxaan aaladaha qarxa, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo.
















