Waxgaradka Muqdisho oo dhaliilay Guddi shalay Xukuumaddu Magacaawday.

0

Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah wax garadka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay isku koobtay sida uu yiri gudiga Maqaamka sare ee shalay uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Waxaa uu sheegay in aysan suuragal ahayn in dowladdu ay iyadu isku koobto gudigan oo loo baahnaa inay ka qayb noqdaan xubnaha ugu badanna ay helaan dadka Magaalada daggan oo uu tilmaamay in ay xaq u leeyihiin ka talinta aayaha Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahanyahay in Madxda dhaqanka ee Muqdisho ay kala tashato kasoo tala bixinta maqaamka muqdisho,balse guddigaasi aysan matali Karin dad dhan maadaama uu tilmaamay in ay suuragal tahay in dowladdu ay wixii ay rabto ay kasameysaneyso guddigaas iyadu magacaabatay.

RW Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali ayaa Magacaabay shalay gudiga sare ee ee heer qaran ee Maqaama Muqdisho gudigaasi oo durbaba ay muran ka keeneen Wax garadka Muqdisho ku nool.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here