QM iyo Xukuumadda Soomaaliya oo ka wada hadlay ka hor tagidda Askaraynta Caruurta.

0

Waziirka gaashaandhiga soomaaliya C/qaadir sheikh Cali Diini iyo Leyla Zaragaay oo ka socotay xafiiska xog hayaha guud ee QM ayaa ka wada hadlay halka uu marayo qorshihii horay ay ugua wada gaareen ka hortagga askareynta caruurta Soomaaliyeed.

C/qaadir Sh.Cali Diini waziirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyey in ay askareeyaan caruurta kunool deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

Waxa uu tusaale u soo qaaday ciidamada horay looga qabtay howlgalo iyo dagaalo ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab ku dhex maray qeybo kamid ah dalka oo uu sheegay in badi dadkii la qabtay ay u badnaayeen caruur.

Leyla zargaay ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in Al-Shabaab ay askareeyaan caruurta soomaaliyeed iyadoona ku baaqday in meel looga soo wada jeesto kahor tagga iyo wax ka qabashada arintaaani.

“Arrintan waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkii ay dowladda federaalka Somalia gashay ee ku saabsanaa ilaalinta iyo ka hortegidda in carruurta yar-yar laga dhigo askar iyo weliba in wax laga qabto arrimaha la xiriira sidii carruurta yar-yar looga saaro goobaha dagaalka” Sidaana waxaa sheegtay Leyga Zaragaay oo ah wakiil ka socotay Xog hayaha guud ee Qm.

Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa horay loogu eedeeyey in ay askareeyaan caruurta Soomaaliyeed iyadoona dhawaan maamulada Puntland iyo Galmudug ay soo bandhigeen muuqaal ay ka dhex muuqdeen boqolaal caruur ah oo la sheegay in ay ka bar-bar dagaalamayeen Al-Shabaabkii weeraray deegaano xeebaadyada gobolada Nugaal iyo Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here