Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo Beeniyay in Ciidamada Booliska ay Qaateen Lacago Laaluush ah

0

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi, oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay In Ciidamada Booliska ee ku sugan qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ay qaateen Lacago laaluush ah ama Baad.

Bishaar Abshir Geeddi  Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan wararka la baahiyay ee ku aadan in  Ciidamo ka Tirsan Booliska Dowlada soomaliya ay gadiidka ka  qaataaan Lacago laaluush oo sharcidaro ah.

“Wax jiro ma ahan warkaan, waxaan u baaha nahay inaad keento goobta ay ka dhacdo cidda sameysay caddeynteeda adiga ayaan kaa sugaa, haddii laga hadlaayo ma aqaan ciidanka hoggaan ilaalinta canshuuraha oo shaqadooda tahay inay la shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi.

Hadalka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ay baahiyeen in Ciidamada Booliska Dowlada soomaliya ay lacago baad ah ay ka qaataan Gaadiidka isticmaalo Wadooyinka Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here