Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Dowlada soomaliya ayaa maanta la wareegay Guud ahaanba amaanka Isbitaalka Deva oo ku yaal degmada Hodan ee Gobolka banaadir.
Ciidamo aad u Hubeysan ayaa la sheegay in ay Gudaha u galeen Xarunta isbitaalka iyagoo isku gadaamay xarumaha muhiinka ee isbitaalka sida uu idaacada simba u sheegay mid kamid ah shaqaalaha isbitaalka oo xiligaas ku sugnaa xarunta.
Amarka ay kula wareegeen Ciidamada Nabad Sugida Isbitaalka Deva oo ku yaala degmada Hodan ee Gobolka banaadir, ayaa yimid kadib markii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ay dhawaan soo saareen Go’aan ku aadanaa in dalka laga mamnuucay in ay kasii shaqeeso Hay’ada Nile Acadamy oo laga leeyahay Turky-ga.
Nile Acadamy ayaa sidoo kale Lagu eedeeyay in ay wax ka maamulayaan Madaxdii soo abaabusha shay afgambigii dhicisoobay ee dhawaan dalka turkey-ga ka dhacay, dowladaha soomaliya iyo Turky-ga ayaa kuwada heshiiyay Gio’aankaan.

